Ceelcaddde (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalla deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ku toogteen Nin ay sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray sixirka.
Ninkaas oo Magaciisa Lagu sheegay Maxamed Sidiiq Xuseen ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu muddo ku shaqeysan jiray sixirka, dad badana uu dhibatooyin kala duwan ugu geystay.
Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, islamarkaana muddo sanad ah uu ku Shaqeysan jiray sixirka.
Goobta toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan.
Ururka Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla deegaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com