Friday, December 12, 2025
26.2 C
Mogadishu

Al-Shabaab oo goob fagaaro ah ku toogtay Nin sixiroole ay ku sheegeen

Ceelcaddde (Halqaran.com) – Ururka Al-Shabaab ayaa goob fagaaro ah oo ku yaalla deegaanka Ceelcadde oo ka tirsan Gobolka Gedo waxaa ay ku toogteen Nin ay sheegeen in uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Ninkaas oo Magaciisa Lagu sheegay Maxamed Sidiiq Xuseen ayaa Al-Shabaab sheegeen in uu muddo ku shaqeysan jiray sixirka, dad badana uu dhibatooyin kala duwan ugu geystay.

Garsoore u hadlay Maxkamadda Al-Shabaab ayaa fagaaraha ka sheegay in Ninkaasi uu qirtay dambiga loo heystay, islamarkaana muddo sanad ah uu ku Shaqeysan jiray sixirka.

Goobta toogashada ay ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa qaar kamid ah dadka ku nool deegaanka Ceelcadde ee gobolka Gedo oo ay Al-Shabaab ku amreen inay u soo daawasho tagaan.

Ururka Al-Shabaab ayaa horay waxaa ay fagaarayaal ku yaalla deegaannada ay maamulaan ku toogteen dad isugu jira dhalinyaro iyo dad da’ah oo ay ku eedeeyeen inay la shaqeeynayeen dowladda Soomaaliya iyo dowladaha taageerada Ciidan siiya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...