Garoowe (Halqaran.como) – Wafdi uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare ee BF Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa maanta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.
Wafdiga guddoomiye Cabdi xaashi ayaa waxaa kamid ah Musharax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle iyo Xubno kale.
Waxaa garoonka diyaaradaha Magaalada Garoowe ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo mas’uuliyiin kale.
Ujeedada wafdiga Guddoomiyaha golaha aqalka sare ay u tageen magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay ka qeyb-galka Shirka Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage oo 28-ka bishan ka furmaya magaalada Garoowe.
Shirka ayaa sanadkaan waxaa sidoo kale ka qeyb-geli doona inta badan xubnaha Midowga musharaxiinta madaxweynaha, qaar ka mid ah madaxda dowlad goboleedyada, waxaana looga hadlayaa Xasilinta Dalka amni ahaan, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada Doorasho qof iyo cod ah Yagleelida Nidaam Federaal oo shaqeynaya.
Waxaa aad loo adkeeyay Ammaanka magaalada Garoowe, waxaana la filayaa in ka hor qabsoomida shirka ee 28-ka Bishaan ay Magaalada Garoowe gaaraan qaar kamid ah Madaxda Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharraxiinta.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





