Wednesday, June 17, 2026
25.9 C
Mogadishu

Muxuu yahay mowqifka Jubbaland iyo Puntland ay ka qaateen Khilaafka Doorashada?

Kismaayo (Halqaran.com) – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Khamiistii maanta shir gudoomiyay kulanka golaha Wasiirrada maamulkaas oo lagaga hadlay qodobbo kala duwan.

Golaha Wasiirrada ee maamulka Jubbaland ayaa ugu horayn waxaa golahu uu falanqayn iyo dood dheer ka yeeshay Xaalada Siyaasada dalka iyo muddo xileedka Dowlada Federaalka ah ee dhammaaday, iyadoo la isku raacay in Jubbaland ay sii wado dadaalka la xiriira sidii heshiis rasmi ah looga gaari lahaa arrimaha Doorashada.

Dhinaca kale, Golaha Wasiirrada ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sidoo kale maanta yeeshay Kulan uu guddoomiyey Madaxweyne Deni oo uu wehlinayay ku-xigeenkiisa.

Waxaa todobaadkan Shirka looga hadlay Doorashada Soomaaliya, Amniga deegaannada Puntland, xaaladda Gobollada iyo Degmooyinka, horumarinta Waxbarashada iyo ansixinta Hindise Xeereedka Goobaha Taariikhiga ah ee Puntland.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, ayaa Golaha uga warbixiyay xaaladda dalku marayo iyo dadaalka Dowladdu gelisay in la xaliyo oo laga heshiiyo tabashooyinka ka dhashay hirgelinta heshiiskii 17-ka September 2020.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...