Friday, May 22, 2026
28.9 C
Mogadishu

Beledweyne: Booliska oo soo badbaadiyay canug yar oo Afduub loo heystay

Beledweyne (Halqaran.com) – Ciidanka booliska ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan canug yar oo laga afduubtay mid ka mid ah Xaafaddaha Magaalada.

Kooxda Afduubtay canuga yar ayaa waalidiinta dhalay soo weydiistay lacag madax furasho ah si ay ugu soo daayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan mudane Abuukar Cabdulahi Maadey ayaa kaga mahadceliyay laamaha amaanka Beledweyne oo gacanta kusoo dhigay canuga yar oo lagu aftuubtay xaafada howladaag, kadibna lacag madaxa furasha ah la soo weydiiyay waalidkii dhalay.

Sidoo kale, Abuukar Cabdullaahi Maadey ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay gacanta ku soo dhigeen kooxihii ka dambeeyay, islamarkaana baaritaanno deg-deg ah lagu sameyn doono.

Ugu dambeyn, Guddoomiye ku-xigeenka maaliyada iyo siyaasada gobolka Hiiraan ayaa booliska ku bogaadiyay sida ay durbadiiba falkaan kaga hortageen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...