Sunday, May 24, 2026
28.9 C
Mogadishu

Muxuu Madaxweyne Xasan Sheekh uu kala hadlay Madaxda Hay’adda UNHCR ee uu la kulmay?

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Jimcihii maanta kulan la qaatay madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka (UNHCR) mudane Filippo Grandi.

Mudane Xasan ayaa la wadaagay Filippo Grandi xaaladda abaaraha dalka iyo qorshaha dowladda ee wax looga qabanayo dhibaatooyinka horseeday barakaca gudaha oo uu ugu horreeyo argagixisada.

Madaxweynaha JF Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay in dowladda ay ka go’antahay in waqti kooban dalka looga ciribtiro argagixisada, si gurmad loogu fidiyo shacabka tabaaleysan:

Waxa uuna ku bogaadiyey taageerada iyo garab istaagga hay’adda UNHCR ee shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa hay’adda Qaxootiga Adduunka ee UNHCR, Filippo Grandi ayaa soo dhaweeyay qorshaha dowladda federaalka ee wax looga qabanayo amniga, taasi oo fududeyneysa in dib u dajin iyo gargaarba loogu fidiyo barakacayaasha waxa uuna ballanqaaday in ay kordhin doonaan dhaqaalaha lagula tacaalayo xaaladda abaaraha iyo barakacayaasha Soomaaliya.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...