Thursday, November 13, 2025
28.1 C
Mogadishu

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Cagjar oo lagu soo dhaweeyay Garoowe

Garoowe (Halqaran.com) – Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar Cagjar iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Jimcihii maanta gaaray magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal ahna Caasimadda Maamulka.

Mr Cagjar iyo Wafdigiisa waxaa garoonka diyaaradaha Jeneraal Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Deni, ku-xigeenkiisa Axmed Karaash, Guddoomiye ku-xigeenka Baarlamaanka, Wasiiro, Xildhibaano iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar Cagjar ayaa inta uu ku sugan yahay magaalada Garoowe ayaa waxaa uu kulamo la qaadan doonaa Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Warar ay helayso mareegta HalQaran News ayaa sheegaya, in ujeedka wafdiga ka socda dowlad deegaanka Soomaalida uu yahay sidii ay uga qeyb geli lahaayeen munaasadda xarig-jarka wejiga koowaad ee dekedda Garacad oo sabtida berri ka dhici doonta deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.

Safarka waxaa Madaxweyne Mustaf Cagjar ku wehlinaya Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka ah ee Itoobiya, Diblumaasiyiin, Isimo iyo Ganacsato.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...