Thursday, March 12, 2026
26.7 C
Mogadishu

Ra’iisul Wasaare Xamse oo shacabka reer Hiiraan u sheegay inaysan Niyad jabin, kaligoodna aheen

Beledweyne (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF ah ee Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa booqasho ku tagey magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu kulamo kula yeeshay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Hirshabeelle iyo mas’uuliyiin kale

Mr Barre oo ay safarkiisa ku wehliyeen mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan Golaha Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka, ayaa booqashada ku tagey gobolka Hiiraan waxay ahmiyad gaar ah u leedahay qorshaha dib u xoreynta dalka ee la magac baxay Dulmi-Diid.

Inta uu booqashadiisa uu ku gudaha jira ra’iisul wasaare Xamse , wuxuu booqday goobihii ku burburay weerarradii dhawaan la beegsatay qaraxyada ee xarunta maamulka gobolka, halkaas oo ku naf waayeen dad isugu jiray mas’uuliyiin iyo Shacab.

RW Xamse Cabdi Barre, ayaa kulamo la qaatay dadweynaha iyo mas’uuliyiinta gobolka ee hoggaaminaya kacdoonka reer Hiiraan ee ka dhanka Ururka Al-shabaab.

“Dadka Reer Hiiraan waxaan leeyahay ha niyad jabina, keligiin ma tihiin. Ummadda Soomaaliyeed ayaa garab iyo gaashaan idiin ah. Waa la idin la joogaa. Horay, gadaal iyo hareerahaba waa la idinka jiraa ee halganka halkiisa ka sii wada”, ayuu yiri Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo booqasho ku jooga Beledweyne.

Halka hoose ka Daawo Muuqaalka RW Xamse:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...