Midowga Yurub oo abaalmarinno guddoonsiiyay hal abuurayaal Soomaaliyeed oo da’yar ah

Muqdisho (Halqaran.com) – Munaasabad ballaaran oo loogu dabbaal degayo maalinta caalamiga ee dimoqraadiyadda oo la xuso sanad walba 15-ka Sebtember ayaa ka dhacday magaalada Muqdisho, waxaana munaasabaddan maalgeliyay Midowga Yurub.

Xuska maalintan awgeed ayaa la abaal mariyay shan dhallinyaro Soomaaliyeed ah kuwaas oo ku guuleystay tartan uu Midowga Yurub u qabtay abwaannadan da’da yar oo lagu tartansiiyay curinta gabayada ka qeyb qaadanaya nabadda iyo dimuqraadiyadda.

Dhallinyarada ku tartantay silsiladda nabadda iyo dimoqraadiyadda ayaa munaasabadda ku soo bandhigay hal abuurkooda iyo gabayadii ay ugu talagaleen ka qeyb galka munaasabadda.

Madasha uu ka dhacay xuska maalintan waxaa ku sugnaa wakiilo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Yurub iyo sidoo kale hay’ado maxalli ah iyo kuwo caalamka ah.

Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya, Nicolas Berlanga Martinez ayaa sheegay in dabbaal degga munaasabadda uu wax weyn uga dhiganyahay isaga oo intaa sii raaciyay in Midowga Yurub uu ku faanayo marti gelinta ka qeybgalayaasha.

Midowga Yurub oo kaashanaya dhallinyarada leh hibada hal-abuur ee dhanka gabayada ayaa bilaabay tartanka gabayada Silsiladda Nabadda si dib loogu soo celiyo dhaqankii gabay ee silsilad ee soo jireenka ahaa.

Tartanka oo ahaa mid u furan dhammaan Soomaalida ku nool dacallada dunida ayaa ujeedkeedkiisu ahaa in la qabto wada hadalo dhex mara bulshada Soomaaliyeed.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com