Saturday, May 9, 2026
27.8 C
Mogadishu

UPDATE: Ma run baa in Xildhibaano ka tirsan DF Soomaaliya laga kaxeystay ilaaladii, Yaase ka dambeeyay falkan?!

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar ay helayso mareegta Halqaran.com, ayaa sheegaya, in xildhibaanno ka tirsan aqalka sare iyo golaha shacabka laga kaxeystay dhammaan ciidamadii ilaalin jiray ee ka tirsanaa kuwa xoogga dalka Soomaaliya.

Qaar ka mid ah xildhibaannadan ayaa Halqaran.com u xaqiijiyay, in taliyaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa Yuusuf Raage uu ka kaxeystay dhammaan ilaaladii la joogtay mas’uuliyiintaasi.

Xildhibaannada ayaa sheegay in ay xaalad halis ah hadda ay ku sugan yihiin, islamarkaana aysan kasoo bixin guryaha iyo Hoteellada ay ka degan yihiin caasimadda Muqdisho.

Senator Nuura Faarax oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare oo la hadashay warbaahinta magaalada Muqdisho ayaa sheegay in muddo todobaad ah ay waddeen dadaallo ay ku doonaayeen in ciidanka Ilaaladda u ahaa dib loogu soo celiyo, balse ay ku guul-dareysteen.

Sidoo kale, Nuura Faarax ayaa xustay, in falka ilaalada looga watay uu ka dambeeyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Odawaa Yuusuf Raage oo dhawaan la Magacaabay xilkaasi.

Ilaa iyo hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysay in xildhibaanno ka tirsan Aqalka sare iyo golaha shacabka laga kaxeysto ciidamadii ilaalin jirtay ammaankooda.

Xafiiska Halqaran.com, Muqdisho
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...