Mombasa: Booliska oo baaraya kiiska dilka Gabar Soomaali ah

Najma Cabudllaahi, waa gabadhii Jimcihii la soo dhaafay la helay Meydkeeda.

Mombasa (Halqaran.com) – Booliska magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya ayaa baaraya shabakad tahriibinta dadka ah, oo la rumeysan yahay inay ka dambeysay dilkii gabar Soomaali ah loogu geystay gudaha magaaladaas.

Najma Cabudllaahi oo 19 sano jir ahayd kana soo jeedda magaalada Gaarisa ee gobolka Waqooyi Bari Kenya ayaa Jimcihii la soo dhaafay la heley meydkeeda, kaddib toddobaad la weysanaa.

Ka hor inta aan la weynin, keliya toddobaad ayay Najma ku sugneyd Mombasa, iyadoo la nooleyd walaasheed, waxaana loo maleynayaa in kuwa afduubtay ay dhulka ku jiideen.

Salma Axmed oo ah agaasime ku xigeenka ururka u dooda xuquuqda aadanaha ee Haki Afrika ee dhisan Kenya ayaa sheegtay in ururkooda ay soo gaareen cabashooyin la xiriira tahriibinta dadka.

“Waxaa ina soo gaaray cabashooyin ah in dad loo tahriibiyay dalalka sida Soomaaliya, Suuriya iyo Yemen iyaga oo aan ogeyn. Tusaale ahaan waxaa jira afar haween oo loo ballan qaaday shqooyin dibadda ah sida Sacuudiga, waxayna arkeen iyaga oo ku sugan Soomaaliya.”

Booliiska ayaa ilaa iyo haatan xiray labo qof oo la sheegay in markii ugu dambeysay ay Najma isla joogeen.

Sida ay sheegeen baarayaasha, xog laga helay telefoonka mid ka mid ah dadka kiiska looga shakisan yahay, ayaa gacan ka geysatay baadigoobka shabakaddan.

Si kastaba, qofka laga shakisan yahay ayaa la sheegay inay u baxsatay magaalada Eldoret, isla maalintii la waayay Najma, iyadoo la sheegay inay dhuumaaleysi ku jirtay kaddib markii ay ka war heshay in baarayaashu ay ku raad joogaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com