Muqdisho (Halqaran.com) – Guddoomiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharrax Madaxweyne, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa eedeyn u jeediyay guddiga doorashada Soomaaliya oo uu sheegay inay weli ku jiraan xubno taageerayaal u ah DF Soomaaliya.
CCWarsame ayaa sheegay in guddiga laga saaray Xaawo Aadan Yare Culusow oo sida uu sheegay lagu eedeyey in ay Farmaajo ka soo horjeeday, kana tirsanayd taageerayaasha mucaaradka.
Sidoo kale, wuxuu intaasi raaciyay in ku dhowaad 20 ruux oo taageerayaasha Farmaajo ah iyo tobaneeyo dharcad ah ay weli guddiga ku jiraan.
“Haddii uu sidan ku soo baxo liiska guddiga, waxay tani mugdi gelinaysaa hufnaanta Guddiga iyo dhex-dhexaadnimada Ra’iisul wasaare Rooble.” Ayuu yiri Musharrax Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.
DF Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in la tixgeliyay cabashadii mucaaradka ee ku aaddaneyd in qaar ka mid ah xubnaha guddiga doorashada oo ay sheegeen inay shaqaale dowladeed yihiin laga saaro guddiga.
Ugu dambeyn, qaar ka mid ah Mucaaradka ayaa waxay sheegeen inaysan weli ku qanacsaneyn guddiga oo sida ay sheegeen ay weli ka dhex muuqdaan xubno dowladda ka tirsan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





