Monday, March 16, 2026
28.3 C
Mogadishu

Ebrahim Raisi oo ku guuleystay doorashadii Madaxtinimada ee Iiraan

Tehran (Halqaran.com) – Telefishinka Qaranka Iiraan ayaa shaaciyay in musharax Ebrahim Raisi uu guul ka gaaray doorashadii madaxtinimada ee shalay ka qabsoontay dalkaasi Iiraan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegay in Ra’iisi uu helay Codad gaaraya 62%, taasi oo u dhiganta in uu helay codadka 17.8 milyan oo cod bixiye.

Doorashada oo kolkii hore loo diiwaan galiyay in codkooda ay ka dhiibtaan dad gaaraya 59 milyan oo codbixiye ayaan suura galin, sida la xaqiijiyay 28 milyan oo cod bixiye ayaa ka qeybqaatay doorashooyinka guud ee Iiraan.

Xasan Ruxaani ayaa subaxnimadii hore ee Sabtidii maanta ku dhawaaqay in wareegii koowaad ee doorashadii la qabtay jimcihii ay horseeday doorashada madaxweyne cusub, oo aan magaciisa la shaacin.

Natiijooyinka hordhaca ah ayaa muujinaya farqi weyn oo u dhexeeya Ebrahim Raisi iyo musharraxiinta kale ee la tartameysay.

Dadka ka faallooda arrimaha Iiraan ayaa sheegaya in Ra’iisi oo horay u ahaa garsoore xagjir ah uu u muuqdo mid lagu cabsigalinayo Washington oo horay ugu soo rogtay Xaayiraad, kadib markii lagu eedeeyay xadgudubyo ka dhan ah xuquuqul insaanka, oo ay ka mid aheyeen dilalka maxaabiis siyaasadeed intii uu hayay xilka madaxa garsoorka Iiraan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...