Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo markii labaad dib loogu doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.
Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya soo dhowaynayso inuu markale Antonio Guterres noqdo xoghayaha guud, sidoo kale na ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageerayso.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu kamid yahay mas’uuliyiinta sarsare ee sida dhow ula Shaqeeya dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka hadlaa xaaladda Soomaaliya.
Antonio guterres ayaa xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kala wareegay Ban Ki-moon bishii January ee sanadkii 2017.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com