Saturday, May 23, 2026
26.5 C
Mogadishu

Madaxweyne Farmaajo oo u hambalyeeyay Xoghayaha guud ee QM oo markii labaad loo doortay…

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha JF Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdillaahi Farmaajo ayaa dhambaal hambalyo ah u diray xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo markii labaad dib loogu doortay inuu noqdo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya soo dhowaynayso inuu markale  Antonio Guterres noqdo xoghayaha guud, sidoo kale na ay dawladdu si hagar la’aan ah u taageerayso.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa waxaa uu kamid yahay mas’uuliyiinta sarsare ee sida dhow ula Shaqeeya dowladda Soomaaliya, waxaana uu ka hadlaa xaaladda Soomaaliya.

Antonio guterres ayaa xilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay kala wareegay Ban Ki-moon bishii January  ee sanadkii 2017.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...