Muqdisho (Halqaran.com) – Nicolás Berlanga Martinez oo ah Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa uga digay madaxda Soomaalida inuu fashil ku yimaado Shirka loo balansan yahay ee looga hadli doono khilaafka ka taagan qabsoomidda doorashada dalka ka dhaceysa.
Nicolás Berlanga oo Qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in aysan jirin cid is hor istaagi karta in heshiis laga gaaro doorashada, wuxuuna caddeeyay in Shirka soo socda uu fursad u yahay mustaqbalka Soomaaliya.
“Dhacdooyinkii asbuucyadii la soo dhaafay waxay muujinayaan shir-madaxeedka soo socdaa inuu yahay fursadda keliya ee hartay, cidna ma ahan in ay kharibto ama ay ishortaagto heshiiska,” ayuu yiri Nicolás Berlanga.
Hadalka Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa waxaa uu yimid, kadib markii shalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta uu kulan la qaatay wakiilada Beesha Caalamka, isagoona kala hadlay diyaar garowga shirka furmaya 20-ka May.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





