Saturday, April 18, 2026
29.1 C
Mogadishu

Qaban qaabada shirka doorashooyinka oo ka socda Muqdisho iyo wafuud ku soo wajahan

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa saacadaha soo socda lagu wadaa in magaalada Muqdisho ay soo gaaraan wafuud ka socda madaxda dowlad goboleedyada kala ah Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Jubbaland iyo Puntland.

Wafuudan ayaa waxaa ka qeyb gali doonaan shir uu dhawaan iclaamiyay R/Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, kaasi oo lagu balamay inuu Muqdisho ka qabsoomo maalinta beri ah oo taariikhdu ay ku beegan tahay 20 May.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa khilaafka ka taagan doorashooyinka Soomaaliya iyo sidii arrintaasi xal waara looga gaari lahaa.

Qaban qaabada shirka uu iclaamiyay R/Wasaare Rooble  ayaa waxaa uu haatan ka socdaa magaalada Muqdisho.

Shalay Ra’iisul Wasaaraha xukuumada federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu kulan la qaatay qaar ka mid ah wakiillada Beesha Caalamka ee sugan magaalada Muqdisho.

R/Wasaare Rooble ayaa wakiilada uu la kulmay waxaa uu  kala hadlay arrimaha doorashooyinka, diyaar garowga shirka golaha wadatashiga qaran iyo taageerada Beesha Caalamka ee geeddi socodka doorashooyinka dalka.

Berri ayaa la filayaa  in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir isku arki doonaan madaxda dowladda Soomaaliya, maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyadoona lagu wado inuu shirka ka soo baxo natiijooyin horseedi kara in ay dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...