Nigeria (Halqaran.com) – gabadhaan oo ah gabar da’ yar ah una dhalatay waddanka Nigeria ayaa heshay 19 deeq wax barasho, waxa ayna ka heshay jaamacado ku yaalla Mareykanka iyo Canada.
Victory Yinka-Banjo oo ah gabar 17 jir ah ayaa heshay deeqo wax barasho oo ku qiimeysan 5 milyan oo doolar, waxayna ka heshay jaamacado ku kala yaalla waddamada Mareykanka iyo Canada.
Gabadhaan ayaa qabsatay cinwaanada caalamka kaddib markii ay keentay darajada A dhammaan 6-da maado intii lagu jiray imtixaanka Cambridge IGCSE, waxayna noqotay qofka ugu sarreeya adduunka imtixaanka English-ka jaamacadda Cambridge International Examination (CIE).
Gabadhaan ayaa sheegtay in ay ku faraxsantahay deeqahaan qaaliga ah, iyadoo xustay in ay keentay kaddib markii ay shaqo adag soo qabatay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





