Muqdisho (Halqaran.com) – Ururka Midowga Yurub ayaa hanjabaad usoo diray madaxda Soomaalida, gaar ahaan kuwa wiiqaya wadahadallada doorashooyinka, in ay la kulmi doonaan cawaaqib ka dhasha ficiladooda.
War saxaafadeed xalay ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka Midowga Yurub Josep Borrel, ayaa loogu baaqay madaxda Soomaalida in ay sameeyaan isu tanaazul horseeda hannaan doorasho oo deg deg ah iyo in si nabad ah talada loogu kala wareego iyadoo la raacayo heshiiskii 17-ka Sebteembar.
Midowga Yurub ayaa sheegay in isfaham la’aanta hadda ka dhex-jirta hoggaamiyaasha Soomaalida ay si weyn dib ugu dhigeyso xawaaraha isbaddalka ay sida dhaqsaha ah ugu baahanyihiin dadka Soomaaliyeed.
“Kuwa wiiqaya wadahadalka ama miciin bida in ay adeegsadaan qalalaaso waxaa laga qaadi doonaa tallaabo, waxay wajihi doonaan cawaaqib ku aadan ficiladooda.” Ayaa lagu yiri warka ka soo baxay Midowga Yurub.
Madaxda Soomaalida ayaanan weli heshiis ka gaarin doorashada ka dhaceyso dalka, kaddib markii bishii Febraayo uu dhammaaday muddo xileedka madaxweyne Farmaajo.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





