Axmed Madoobe oo xilka qaadis ku sameeyay Wasiir Cabdirashiid Janan

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan /Sawir hore/Keydka HQ

Muqdisho (Halqaran.com) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa xilka qaadis ku sameeyay wasiirkii amniga maamulka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweyne Axmed Madoobe ayaa xilka looga qaaday wasiirkii amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan oo in muddo ah ka tirsanaa maamulkaas.

Xilka qaadista wasiir Janan ayaa kusoo aadeysa, iyada oo wada-hadal ay u socdaan Cabdirashiid Janan iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com