Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta ayaa faahfaahiyay Mudahaaradka lagu waddo in maalinta Jimcada ah uu ka dhaco magaalada Muqdisho kaasoo looga soo horjeedo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Musharrax Madaxweyne Daahir Maxamuud Geelle oo u hadlay Musharraxiinta ayaa sheegay in banaanbaxa Jimcada uu yahay mid nabdoon oo laga ilaalin doono rabsho, laakiin ay helayaan wararka sheegaya in dowladda ay doonayso in ay carqaladeyso.
Sidoo kale, waxaa uu ugu baaqay hay’ddaha Ammaanka in aysan carqaladeyn Banaanbaxa, islamarkaana laga doonaayo in ay suggaan Amniga dadweynaha soo banaanbixi doona.
Taliyaha Ciidanka booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan Cijaar ayuu ugu baaqay in uu qaato kaalin dhexdhexaad ah oo lagu xaqiijinaayo Amniga muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Ugu dambeyn, taliyaha ciidanka xoogga dalka ayuu sidoo kale ka dalbaday in uu ka taxadaro in ciidanka xoogga aysan ku milmin siyaasadda oo adeeg amni ay siyaan muwaadiniinta soo banaanbixi doona si loo xaqiijiyo ammaanka guud ah goobta banaanbaxa.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





