Sunday, March 15, 2026
27.2 C
Mogadishu

RW Rooble oo furay Shirka guddiga farsamada ee qabanqaabada shirka wadatashiga qaran +(SAWIRO)

Baydhabo (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa furay shirka Guddiga Farsamada ee qaban qaabada shirka Wadatashiga Qaran oo kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay magaalada Baydhabo.

RW Rooble oo habka fogaan aragga uga qeyb galay shirka ayaa guddiga kula dardaarmay in ay si hufan oo daacadnimo ah u gutaan shaqada loo igmaday.

Wuxuuna kula dardaarmay Guddiyada in ay keenaan xal buuxa oo ku aadan shirka wadatashiga dowladda dhexe iyo maamulada.

Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa magacaabay min laba xubnood oo Guddiga Farsamada ah, si ay u qaban-qaabiyaan shirka wadatashiga ee looga hadlayo arrimaha doorashooyinka ee dalka.

Sidoo kale, guddiga ayaa go’aan ka soo saari doono halka lagu qabanayo shirka wadatashiga, haddii uu horaan muran ka dhashay goobta ay tahay in lagu qabto.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa sidoo kale u soo jeediyay in dhinacyda kala duwan ay muujiyaan tanaasul si loo gaaro xal.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...