Garoowe (Halqaran.com) – Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Dowlad Goboleedka Puntland Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa lagu soo warramayaa in uu xilkii iska casilay.
Warar aynu heleyno ayaa sheegaya in shalay uu warqadda is casilaada uu gudbiyay, islamarkaana laga aqbalay, waxaana warar kala duwan ay kasoo baxayaaan sababta keentay is casilada.
Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in sababaha uu isku casilay ay keentay wadashaqeyn xumo soo kala dhexgashay isaga iyo madaxda kale ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland.
Agaasimihii guud ee Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee is casilay Faysal Cabdullaahi Warsame ayaa xilka Agaasimaha, waxaa loo Magacaabay magacaabay bishii July ee sanadkii 2019.
Horay ayaa Xukuumadda Puntlnad ee uu hoggamiyo Saciid Cabdullaahi Deni, waxaa isaga casilay mas’uuliyin isugu jira, wasiirro, agaasimeyaal iyo taliyeyaal Ciidan.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





