Wednesday, April 22, 2026
29.5 C
Mogadishu

Wasiirkii hore ee difaaca Kenya, Yuusuf Xaaji oo geeriyooday

Nairobi (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee wasiirkii hore ee difaaca kenya Maxamed Yusuf Xaaji oo muddo dheer kamid ahaa siyaasiyiinta Soomaalida ee dalka Kenya ayaa ku geeriyooday magaalada Naiorbi ee dalka Kenya.

Maxamed Yuusuf Xaaji oo ahaa senetarka ismaamulka Gaarisa, kana tirsanaa aqalka sare ee dalka Kenya ayaa waxaa geeridiisa laanta Af Soomaaliga ee BBC-da u xaqiijiyay xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo isna laga soo doorto magaalada Gaarissa.

“Muddo afar ilaa iyo shan bilood ayuu xanuunsanayay, marka horena sinta ayaa laga hayay, dalka Turkiga ayaana lagu soo daweeyay”, ayuu yiri Aadan Barre Ducaale.

Galabta ayaa lagu aasi doonaa qabuuraha Musliminta ee Langata, sida ay xaqiijiyeen qoyskiisa.

Maxamed Yuusf Xaaji ayaa muddooyinkii dambe hogaaminayay guddi loo xil saaray inay ka shaqeeyaan wax ka badel la doonayay in lagu sameeyo dastuurka dalka Kenya.

Sidoo kale, wuxuu soo noqday barasaab gobolka Rift valley intii u dhexeysay 1970 iyo 1998 iyo xildhibaankii deegaanka Ijara ee ismaamulka Gaarisa.

Marxuumka oo aad loogu yaqaano magaca Yusuf Xaaji ayaa dhashay sannadkii 1940-kii, wuxuuna ku dhashay gobolka Waqooyi Bari ee Soomaalida ay degto ee Kenya, gaar ahaan Garissa. wuxuu ahaa 80 jir Waxa uu dhalay illaa 9 carruur ah.

Caruurtiisa waxaa ka mid ah Nuuradiin Yusuf Xaaji oo imika ah dacwad oogaha guud ee Kenya, kaas oo lagu garanayo in uu dacwado ku oogo siyaasiyiin caan ah oo qaarkood ay hayaan xilal sare oo lagu eedeeyay musuqmaasuq.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...