Friday, April 10, 2026
29.6 C
Mogadishu

Midowga Musharraxiinta oo kulan la qaatay qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Maamul Goboleedyada dalka

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan xasaasi ah ku yeeshay xubno ka tirsan Midowga Musharaxiinta iyo qaar kamid ah madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka ka jira waxaana kulan looga wada hadlay arrimo ku saabsan xaaladda kala guurka ah ee dalku uu ku jiro iyo shirka magaalada Muqdisho uga socda madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynihii hore dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed  oo hadda ah guddoomiyaha Midowga Musharraxiinta ayaa kulanka horboodayay , waxaana ay la kulmeen madaxweynayaasha Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa la tilmaamay in madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada uu la wadaagay sida xubnaha Midowga Musharaxiinta ay u daneynayaan ka qeyb galka shirka ka socda Teendhada Afisyooni ee lagu xalinayo arrimaha doorashooyinka.

Sidoo kale xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa waxa ay sheegeen in ay diyaar u yihiin in ay ka qeyb qaataan xal u helidda arrimaha cakiran ee doorashooyinka iyo in laga heshiiyo arrimaha doorashooyinka.

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli wali uu magaalada Muqdisho ka socdo shirka u dhexeeya madaxda dowladda iyo Maamul Goboleedyada dalka shirkaas oo looga arinsanayo  arrimaha doorashooyinka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...