Friday, April 10, 2026
29.4 C
Mogadishu

Shirka wadatashiga qaran ee doorashooyinka oo maalintiisii labaad galay

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa maalintii labaad galay wadahadalka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo gobolka Banaadir si ay uga xaajoodaan qabsoomidda doorashada Soomaaliya.

Furitaanka shirka ayaa si degen u qabsoomay, Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay maadaama 1-dii May 2021 uu la wareegay mas’uuliyadda amniga iyo doorashooyinka kadib wadahadal lagu dhammeeyay khilaafkii ka dhashay muddo kordhinta Golaha Shacabka BFS.

Shirkaan wadatashiga qaran ee arrimaha doorashooyinka Qaranka waa uu ka duwan yahay kulamadii hore, waxaana ka horeeyay furitaankiisa kulamo gaar-gaar ah oo uu Ra’iisul Wasaaraha XFS la qaatay madaxda Dowlad-Goboleedyada isaga oo weydiistay in ay ku garabsiiyaan mas’uuliyadda culus ee ka saaran qabsoomidda doorashooyinka iyo amniga.

Inta uu wadahadalka socdo waxaa lagu dejinayaa jadwal habraac u noqonaya qabsoomidda doorashooyinka Baarlamaanka iyo madaxtooyada si Dowlad-Goboleedyadu isugu diyaariyaan martigelinta ergada xildhibaannada dooraneysa iyo xubnaha xildoonka ah.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...