Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa Dowladda Federaalka uga digay in ay markale khilaaf ka dhex abuurto maamul Goboleedyada dalka.
Midowga Musharraxiinta ayaa waxaa magaalada Muqdisho uga soconaya kulamo gaar gaar ah oo ay kaga arrinsanayaan xaaladda dalka, gaar ahaan midda doorashooyinka.
Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa marka hore sheegay in Dowladda Federaalka ay ka doonayaan in doorashada ku qabato waqtigeeda, iyadoo markaasi laga fogganaayo in dib u dhac uu ku yimaado.
Wuxuu kaloo sheegay in Golaha Musharraxiinta uu ka digayo khilaaf uu sheegay in Dowladda Federaalka ay ka dhex abuuri rabto Maamul Goboleedyada qaarkood, sida maamulka Jubbaland.
Sidoo kale, afhayeenka ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalka looga baahnaa in siyaasad loo dhan yahay kula dhaqanto Maamul Goboleedyada, bedelkii ay dib u soo cusbooneysiin laheyd khilaafkii hore.
“Waxaynu maqleynaa arrimo ku wajahan Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, sida Dowladda Jubbaland oo kale, oo ay dhici karto inay dib ugu bilaabanto dhibaatadii iyo mushkiladdii ka dhaxeeyay, oo ay ahayd in Dowladda Federaalku ay kula dhaqanto siyaasad loo dhan yahay.” Ayuu yiri Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta, Ridwaan Xirsi Maxamed.
Afhayeenka Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa Dowladda Federaalka ugu baaqay inay ahmiyadda 1aad siiso, waxna la qabato amniga dalka, gaar ahaan midda Magaalada Muqdisho, isagoona shacabka ka codsaday in ay gacan ka gaystaan xaqiijinta amniga.
Ugu damebeyn, warka ka soo yeeray Midowga Musharraxiinta ayaa ku soo aadaya, xilli Dowladda Federaalka ay Kenya ku eedeysay in Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku cadaadineyso inuu fuliyo ajandaheeda siyaasadeed, taasoo liddi ku ah heshiiskii siyaasadeed ee doorashooyinka dalka, islamarkaana ka hor imaaneysa hab dhaqanka diblomaasiyadeed ee dowladaha deriska ah.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





