Wednesday, June 24, 2026
25.4 C
Mogadishu

Nin miino ku aasayay Xaafad ka tirsan Muqdisho oo la toogtay

Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada Booliska ee Gobolka Banaadir ayaa saqdii dhexe ee xalay Magaalada Muqdisho ku toogteen nin ka tirsanaa maleeshiyada Al-Shabaab xilli uu doonaayay in wadada uu ku aaso miino.

Ninkan oo ujeedkiisu ahaa in miinada uu ku aaso Waaxda Horseed, Laanteeda Nation-ka ee Degmada Warta Nabadda ayaa waxaa ka hortagay ciidamada ammaanka.

Guddoomiyaha Degmada Warta Nabadda Saynab Maxamuud Warsame (Saynab Xaabsey), ayaa sheegtay in ciidamada ay arkayn ninkaasi, isla-markaana ay u suurtagashay inay toogtaan.

Saynab Xaabsey ayaa ciidamada ammaanka ku ammaantay inay ku guuleysteen, oo ay ka hortaggeen qarax la doonaayay in shacabka lagu dhibaateeyo.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmo ka hor Degmada Xamar Weyne ku qabtay nin dhalinyaro ahaa, oo lagu eedeeyay in bambo gacmeyd uu ku tuuray Saldhiga Booliska ee Afar Irdood.

Si kastaba, tallaabada xalay lagu toogtay ninkan Shabaabka ka tirsanaa ayaa ku soo aadaysa, xilli muddooyinkii ugu dambeysay ay Caasimadda Muqdisho ku soo badanayeen qaraxyo la dhigo hareeraha waddooyinka.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...