Jowhar (Halqaran.com) – Wasiirka amniga ee maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdiraxmaan Khayre ayaa faah-faahin ka bixiyay cilad farsamo ah oo ku timid diyaarad uu la socda guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle iyo tiro xildhibaanno ah, kuwasi oo ka ambabaxay magaalada Jowhar, iyagoona ku sii jeeda magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan.
War qoraal ah uu soo dhigay Wasiir Khayre boggiisa xiriirka bulshada, ayaa wuxuu ku sheegay diyaarad nooceeda uu yahay Fokker 50(50Qaad) oo ay leedahay shirkada SOM EXPRESS inay ka raaceen Jowhar, kuna sii jeedeen Magaalada Beledweyne.
Waxa uu sheegay Diyaarad oo 10 daqiiqo u jirta Magaalada Beledweyne cilad inay ku timid mid ka mid Matoorada Diyaarada, islamarkaana uu damay hal mator, iyadoo duuliyihii diyaarada go,aan uu ku qaatay inuu ka dajiyo dadkii saarnaa diyaarada Magaalada Muqdisho.
“Waxaan ka mid ahaa wafdi uu hogaaminayay Gudomiyaha Baarlamaanka Hirshaballe, Mudane Abdihakim Luqmaan oo ka kooban Wasiiro, Xildhibano, Saraakiil iyo hawlwadeenada Barlamaanka Hirshabelle. Garoonka Caasimadda Dowlad Goboledka Hirshabelle ee Jowhar ayaan ka raacnay diyarada nooceeda tahay Fokker 50(50Qaad) oo ay lee dahay shirkadda SOM EXPRESS, waxayna ahayd inay nageyso Magalada Beledweyne oo uu ahaa ujeedka safarkeena inaan halkaas tagno. Xilli aan ku dhaween Magaalada Beledweyne qiyaastiina aan u jirno wax ka yar 10 daqiiqo ayaa waxaa naga damay motoor ka mid ah 2dii motoor ay diyaaradda ku shaqeynaysay. Waxaan filleynay in halka motoorka ee inoo shaqeynayo aan ku taggi karno Beledweyne maadaama ay aad inoogu dhaweed, laakiin nasiibdarro duuliyihii diyaaradda ayaa ku adkeestay inuu naga dajiyo Garoonka Magaalada Muqdisho oo qiyaastii safar ahaan qaadaneyo inaan tagno 50daqiiqo. Nasiib wanaag Ilaahay wuu nagu nabad keenay halkii motoor Muqdisho Alxamdulilah.” Ayuu bartiisa xiriirka Bulshada ku soo qoray Wasiirka Amniga Hirshabelle.
Xubnaha Wafdigan ayaa hadda waxa ay ku sugan yihiin Magaalada Muqdisho, balse ujeedka safarkooda ayaa ahaa Magaalada Beledweyne.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





