Muqdisho (Halqaran.com) – Talaadada maanta ah oo ku beegan 1-da December ayaa waxaa lagu waday in dowlad goboleedyada dalka ay ka billaabato doorashada Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya, sida ku cad jadwalkii doorashada dadbadan ee ay wada gaareen maamulada iyo dowladda dhexe.
Qorshihii loogu talagalay ayaa guud ahaan fashilmay in maanta ay dalka dib uga bilaabato doorashada Aqalka Sare oo xildhibaannada maamulada ay doortaan Senatorkii ugu horeeyay ee Baarlamaanka labaad.
Doorashada Aqalka Sare waxaa loo qorsheeyay 1-da ilaa 10-ka December, waxaana muuqata in aysan muuqaan saan-saan doorasho, maadaama maamullada qaarkood aysan soo magacaabin guddiyadii doorashada, halka midka dowladda dhexena lagu muransan yahay.
Dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Puntland wali lagama hayo xubnihii qaban lahaa doorashada ee heer maamul, waxaana muuqata in wali ay taagan yihiin ismaandhaafka doorashada iyo in uu meesha ka baxo jadwalkii lagu heshiiyay.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






