Garoowe (Halqaran.com) – Allaha u naxariistee Ra’iisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Abshir Faarax ayaa Khamiista maanta ah aas qaran loogu sameeyay Magaalada Garoowe ee Xarunta dowlad goboleedka Puntland.
Ra’iisal Wasaarihii hore ee dalka ayaa Axadii ku geeriyooday isbitaal ku yaala Magaalada Ankara ee Xarunta Wadanka Turkiga, meydkiisa ayaana saqdii dhexe ee xalay laga soo qaaday Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Ankara, iyadoo saakayna la keenay Magaalada Muqdisho.
Aaska qaran ee Magaalada Garoowe loogu sameeyay ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda, Xasan Cali Khayre, Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, Madaxweyneyaasha Puntland, Galmudug, Hirshabelle, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Wasiiro, Xildhibaano iyo qaybaha kale ee bulshada.
Shacabka Soomaaliyeed waxa ay xusuusnaan doonaan dadaalkii, dowlad jacaylkii iyo doorkii muuqday ee Marxuum Xasan Abshir Faarax uu ka soo qaatay dowlad dhiska, samata-bixinta, nabadeynta iyo dib u dhiska dalka.
Marxuumka waxa uu tusaale u ahaa malaayiinta Soomaaliyeed ee u taagan adkeynta midnimada, u tanaasulka danta guud iyo dib u soo noolaynta maqaamkii aynu ku lahayn dalalka Caalamka.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com














