Wednesday, June 17, 2026
25.5 C
Mogadishu

Wasaaradda Caafimaadka oo digniin adag ka soo saartay Shahaadada baarista Covid-19

Muqdisho (Halqaran.com) – War-saxaafadeed ka soo baxay, wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka bulshada ee xukuumadda Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in qof kasta oo dalka ka dhoofaya uu shahaadada caafimaadka ka qaadan karo oo keli ah, sheybaarka qaranka.

Wasaaraddu waxaa ay cadeysay in xarunta sheybaarka qaran ee Muqdisho ay heysato aqoosiga baarista COVID-19, isla markaana leh tixraac iyo sumadda sheybaarka dhexe. Wixii intaas ka soo hara, waxaa ay wasaaraddu u aqoonsan tahay waxba kama jiraan, sidoo kalena baal marsan hanaanka baarista safmarka COVID-19.

Sidoo kale, bayaanka ka soo baxay, wasaaradda Caafimaadka ayaa lagu xusay in wasaaraddu diyaarisay habka online oo lagu hubinayo in qofka wata shahaadada uu ka soo qaatay sheybaarka dhexe oo lagu diyaariyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle ee magaalada Muqdisho.

Wasaaradda caafimaadka, ayaa sheegtay in dadka doonaya in shahaadadaas qaataan ay tagi karaan xarumaha baarista oo ku kala yaala isbitaalada kala ah De Martino iyo Banaadir ee magaalada Muqdisho.

Halka hoose ka akhriso War-saxaafadeedka Wasaaradda:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...