Dhuusamareeb (Halqaran.com) – Guddoomiyaha guddiga Doorashooyinka Qaranka, Xaliimo Ismaaciil Ibraahim (Xaliimo Yarey) ayaa maanta gaartay magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug.
Safarka Xaliimo Yarey ay ku tagtay Magaalada Dhuusamareeb ayaanan horay loo sii qorsheyn, balse wali ma cadda ujeedada rasmiga ah ee ay u gaartay Magaalada Dhuusamareeb oo maalmaha soo socda uu ka furmi doono shir u dhaxeeya Dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboledyada dalka ka jira.
Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Yarey, waxaa Garoonka Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Maamulka Galmudug, Xildhibaano iyo Siyaasiyiin Magaaladaasi ku sugan.
Xaliimo Yarey ayaa siyaasiyiinta mucaaradka ah waxaa ay ku eedeeyeen inay dowladda hadda jirta la dooneyso muddo kordhin, kadib markii ay dalbatay in muddo 13 Bilood ah ay doorasho ku qaban karaan guddigooda.
Waxaa weli muran siyaasadeed adag uu ka taagan yahay hannaanka loo qabanayo doorashada Soomaaliya la filaayo inay dalka ka dhacdo, iyadoo Shirka Magaalada Dhuusamareeb nuxurkiisa uu yahay wada hadalka ku qotoma arrimaha Doorashooyinka ee ay isla meel dhigi doonaan dowladda Soomaaliya iyo Maamul Goboledyada.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





