Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun Xabsi daa’in ah ku riday laba ka tirsan Al-Shabaab

Muqdisho (Halqaran.com) – Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa waxaa ay xukuno xabsi daa’in ah ku ridday laba Nin oo ka tirsan Al-Shabaab, isla markaana lagu eedeeyay in ay qaraxyo ka fuliyeen Magaalada Muqdisho.

Guddoomiyha Mxakamadda darajada 1aad ee Ciidamada  Qalabka sida Soomaaliya, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in Mustaf Maxamed Xuseen iyo Maxamed Axmed Muumin lagu helay eedeynta loo soo jeediyay sidaas darteedna  lagu Xakumay Xabsi daa”in

Xeer ilaalinta Maxkamedda Ciidamada ayaa shegtay in Mustaf loo heysto 8-qarax oo lagu xiray gawaari, halka ninkaasi horay Maxkamada ay ugu riday xukun Shan Sano ah oo uu soo dhammeeystay dibna ugu laabtay howlihii uu u haayay Al-Shabaab.

Si kastaba, mid ka mid ah labadaasi nin oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Muumin, ayaa la xukumay isagoo maqan, kaas oo lagu eedeeyay in uu ahaa hagaha iyo mareeynta Lacagaha ee uu wax ku Fulin Jiray Mustaf Maxamed Xuseen.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...