Saturday, April 18, 2026
29.4 C
Mogadishu

Laba sarkaal oo u xirnaa Puntland oo la sii daayay

Garoowe (Halqaran.com) – Dowadda Puntland ayaa waxaa ay Xabsiga ka sii deysay laba Sarkaal oo todobaadyadii la soo dhaafay u xirnaa, kuwaas oo kala ah Taliye ku xigeenkii qaybta Booliiska Gobolka Nugaal Gaashaanle Cismaan Maxamuud Buraale iyo Taliyihii Saldhiga Bartamaha Caasimadda Garoowe dhamme Maxamuud Muuse Bile.

Ilo lagu kalsoonaan karo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay siideynta labada Sarkaal oo la xiray horaantii Bishaan.

Labadan sarkaal ayaa loo heystay eedeyn la xiriirta gadood ay sameeyeen Ciidamo ay ka tirsanaayeen oo tababar uga socday Magaalada Qardho lagana qaaday magaalada Garoowe.

Sidoo kale, warar ayaa sheegaya, in saraakiishan lagu waayay eedaymadii loo haystay oo la xiriiray in ay ka dambeeyeen gadoodka Ciidamada ay sameeyeen iyo inay diideen amar kasoo baxay saraakiisha ka sareeysa.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...