Monday, May 11, 2026
29.9 C
Mogadishu

Madasha Xisbiyada Qaran oo ka hadlay go’aannada Shirkii Dhuusamareeb

Muqdisho (Halqaran.com) – Madasha Xisbiyada Qaran oo ay hoggaamiyaan Madaxweynayaashii hore ee dalka, Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh ayaa waxaa ay soo saareen War-Saxaafadeed ay ku soo dhaweeyeen natiijada hor-u-dhaca ah ee kasoo baxday Shirkii Madaxda DF Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ee magaalada Dhuusamareeb.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa war-Saxaafadeedkan ku bogaadisay Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo dadka reer Galmudug googosha quruxda badan ee ay Soomaalida u fidiyeen, taas oo laga soo saaray qodobbo muhiim ah.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale waxa ay ku sheegeen inay waajib tahay in laga heshiiyo doorashada iyo nooca ay noqoneyso waqtigeedana ku dhacdo.

Madasha Xisbiyada Qaran ayaa waxa ay dalbadeen in si deg deg ah lagu Magacaabo guddiga farsamo ee lagu heshiiyay.

Madasha Xisbya Qaran ayaa waxaa ay dalbadeen in doorashada Soomaaliya ay waqtigeda ku dhacdo, iyaga oo ka digay in dalka uu galo firaaq Dastuuri ah haddii ay doorashada waqtigeeda ku dhicin.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...