Muqdisho (Halqaran.com) – Xisbiga Wadajir ayaa soo dhaweeyay natiijada wejiga labaad ee shirkii Madaxda Dawlada Federaalka ah iyo dawlad Goboleedyada, kaas oo xalay lagu soo gebagabeeyay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa loogu baaqay dhinacyada shirka ka qeyb-galay in loo istaago ka mira dhalinta wejiga sedexaad ee shirka Dhuusmareeb ee dhacay 15-ka Bisha Agoosto.
Sidoo kale qoraalka Xisbiga Wadajir kasoo baxay ayaa loogu baaqay Madaxda Dowladda & Dowlad Goboleedyada inay dedejiyaan Guddiga farsamo ee kasoo talo bixinaya nooca ay noqoneyso doorashada Soomaaliya.
Siyaasiga C/raxmaan Cabdi Shakuur ayaa ugu dambeyn ugu baaqay Xubnaha Beesha Caalamka inay taageeraan hehsiiska Soomaalida, si loo xaqiijiyo doorasho xilligeeda si nabad ah u dhacda.
Haddaba Qeybta Hoos Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Xisbiga Wadajir;
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com






