Sunday, May 10, 2026
31.9 C
Mogadishu

Faah-Faahin ku saabsan qarax xooggan oo maanta ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaraxaan oo jugtiisa laga maqlay degmooyinka tirsan gobolkan Banaadir ayaa waxaa uu ka dhacay inta u dhexeysa isgoysyada Sanca iyo Fagax gaar ahaan agagaarka halka loo yaqaano Godka siisi ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxa oo ahaa miinada noocad hulka lagu Aaso ayaa wararka la helay waxaa ay sheegayaan in lala eegtay Gaariga Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee Gobolka Banaadir Muuse Geesey Jimcaale, balse uu gaariga qaraxa ka badbaaday.

Dad doobjoogayaal ah ayaa waxa ay sheegeen in qaraxa uusan ka dhalan wax khasaaro ah marka laga reebo jugta qaraxa oo laga maqlay meelo badan oo kamid ah degmooyinka Gobolkan Banaadir.

Ciidamo ka tirsan booliska degmada Yaaqshiid ayaa tegay halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka sameeyay howlgallo walow howlgalladaas aan dad lagu qaban,waxaana dib u furmay isku socodka dadka iyo Gaadiidka oo hakad galay.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan sheegtay qaraxyada ka dhaca dalka,waxaana horay loogu dilay qaraxayada mas’uuliyiin askar ka tirsan Ciidamada dowladda iyo dad Shacab ah oo ku sugnaa meelaha ay qaraxyada ka dhacaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...