Sunday, April 19, 2026
29.5 C
Mogadishu

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida oo Xukun dil ah ku riday nin loo heysto weerarkii Hotel Madiina ee Kismaayo +(VIDEO)

Kismaayo (Halqaran.com) – Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Jubbland ayaa Talaadadii maanta xukun dil ah ku riday Deeqoow Caliyow oo 19-sano jir ah, islamarkaana magaciisa afgarashada loo yiqiinnay (Muhaajir).

Eedeysanaha ayaa kamid ahaa 4 nin oo ka dambeyay weerarkii 12 bishii julay ee sanadkii tagay 2019 Hoteel cascaseey ee magaalada Kismaayo

Maxkamada ayaa maalmahaan ku gudajirtay dhageysiga dacwada loo heysto eedeysanaha Deeqoow oo isga oo dhaawac misna dagaalamaya laga soo qabtay Hoteel cascaseey ee magaalada Kismaayo.

Ugu dambeyn, garsooraha 1-ad ee maxakameda ciidamada Qalabka sida ee Jubaland, Bashiir Maxamed Xareed  ayaa ku dhawaaqay xukunka, waxa una sheegay in maxakamada ay xukun dil ah ku xukuntay dambiile Deeqoow Caliyoow.

Halka hoose ka daawo Muuqaalka Warbixinta iyo Xukunka Maxkamadda:

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...