Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa guddoomiyay shir looga hadlayey habsami u socodka hannaanka doorashooyinka iyo dhameystirka dib u eegista dastuurka.
Shirka ayaa lagu boggaadiyey heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray hannaanka doorashooyinka iyo sida ay uga go’an tahay dowladda Federaalka ah fulinta qodobadii kasoo baxay shirkii Madaxda DFS iyo Dowladaha xubnaha ka ah ee lagu heshiiyey in dalka ay ka dhacaan doorashooyin ku qabsooma waqtigooda.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa shirka ku soo bandhigay sida ay uga go’an tahay Xukuumaddiisa fulinta qodobbadii lagu heshiiyey ee ahaa in dalkan ay ka dhacdo doorasho xasilloon, islamarkaana ay si caadi ah u socon doonaan howlaha dowladda xiliyada doorashada.
Ugu dambeyn Maxamed Xuseen Rooble ayaa xusay in laamaha amniga ee DF Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedyada ay u diyaarsan yihiin dardargelinta fulinta qorshaha amniga codbixiyeyaasha, musharixiinta iyo maamuleyaasha doorashooyinka ee ku sugan goobaha codbixintu ka dhacayso.
Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





