Muqdisho (Halqaran.com) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa maanta ku qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Alcuthman.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya iyo danjiraha ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal ka dhaxeeya iyo sidii dowladda Imaaraatku kaalin uga geysan lahayd gurmadka dadka ay saameeyeen fatahaadaha Hirshabeelle, gaar ahaan Jowhar iyo nawaaxigeeda.
Danjiraha Dowladda Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya mudane Maxamed Axmed Alcuthman ayaa hore waxa uu kulan ula qaatay Jemes Swan iyagoo ka wada hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka oo dhawaan heshiis laga gaaray.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





