Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Gariiga oo sheegay inuusan qaabili doonin tahriibayaal ay ku jiraan Soomaali

Greece (Halqaran.com) – Dowladda Gariiga ayaa sheegtay in aysan qaabili doonin dadka magangalya doonka ah ee uga imaanaya waddamada Syria iyo Soomaaliya, kuwaasi oo kasoo gudbaya dalka Turkiga.

Wasaaradaha arrimaha dibadda iyo soo galootiga ee dalka Gariiga ayaa sheegtay bayaan ay si wadajir ah usoo saareen in qaraarka xukuumadda Athina uu yahay mid saameyn doona dadka magangalya doonka ah ee kasoo jeeda waddamada Afgaanistan, Pakistan, Bangladesh iyo Soomaaliya.

Labadaan Wasaaradood ayaa sheegay in Turkiga uu yahay dal u diyaarsan inuu qaxootiga magangalyo siiyo aysana aqbali doonin dadka xadka uga soo talaabaya ee magangalya doonka ah.

Wasiirka socdaalka Gariiga ayaa sheegay in dalkiisa xilligaan wixii ka dambeeya aysan qaabili doonin ama aqbalayn dalabyada magangalya doonka ah ee waddama muwaadiniintoodu kasoo talaabayaan Turkiga.

Qaraarkaan cusub ayaa ah mid dowladda Gariiga ay ku tilmaamtay mid ay kula dagaalamayso soogalootiga sharci darada ah iyo kuwa dadka tahriibiya.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com   

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...