Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Faah Faahin kasoo baxeysa qarax ka dhacay deegaanka Jasiira

Muqdisho (Halqaran.com) – Qaraxaan ayaa waxaa uu ka dhacay xeebta deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho gaar ahaan bar koontarool oo ku leeyihiin halkaas ciidamo ka tirsan kuwa Booliska dowladda federaalka.

Hal askari oo ka tirsan ciidanka Booliska ee ilaaliya xeebta deegaanka Jasiira ayaa ku geeriyooday qaraxaas oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, waxaana ka hadlay qaraxaas maamulka Jasiira.

Guddoomiyaha deegaanka Jasiira Xuseen Jilacow Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxa uu ka dhacay goob ay ku sugnaayeen ciidanka amniga deegaanka, uuna ku dhintay hal askari, isla markaana uusan jirin khasaaro kale.

Qaraxa dhacay ayuu ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Al-Shabaab, waxaana guddoomiye Xuseen Jilacow uu sheegay in howlgal ay sameeyeen lagu qabtay laba qof oo looga shakiyay ku lug lahaanshaha falkaas, ayna ku socdaan baaritaano.

Sidoo kale guddoomiyaha deegaanka Jasiira ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa waxaa uu tilmaamay in howlgal lagu xaqiijinayo amniga deegaanka ay halkaas ka wadaan ciidanka Booliska dowladda federaalka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com   

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...