Tuesday, January 13, 2026
24.4 C
Mogadishu

Hoggaamiyihii Boko Xaraam oo is dilay

Nigeria (Halqaran.com) – Hoggaamiyihii Boko Xaraam Abubakar Shekau ayaa is dilay xilli uu dagaal kula jiray koox Islaami ah oo ka soo horjeedda Boko Haram, sida laga soo xigtay cod ay soo duubeen kooxdaas ka soo horjeedda Boko Xaraam maalinnimadii Axadda, iyadoo ay ku soo aadeyso laba toddobaad ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in uu dhintay.

Dhimashadiisa waxay calaamad u tahay isbedel weyn oo ku yimid kacdoonka Nigeria ee 12 jirsaday kaas oo ay ku dhinteen in ka badan 40,000 oo qof halka ay ku barakaceen ku dhawaad laba milyan oo qof.

“Shekau ayaa doortay in lagu ceebeeyo aakhiro halkii lagu ceebeyn lahaa dunida, isagoona is dilay wuxuuna isku qarxiyay walxaha qarxa.”

Ayaa lagu yiri cod u eg kan hoggaamiyaha ISWAP Abu Musab Al-Barnawi oo ku hadlayay luqadda Kanuri.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...