Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Maxaa looga hadlay kulan gaar ah oo ay yeesheen Midowga Musharraxiinta?

Muqdisho (Halqaran.com) – Midowga Musharraxiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimada dalka oo ay hoggaaminayaan madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya ayaa xalay kulan gaar ah ku yeeshay magaalada Muqdisho.

Kulanka oo uu shir guddoominayay Guddoomiyaha Midowga ahna madaxweynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu ahaa mid ay xubnaha musharraxiinta isaga xog-wareysanayeen xaaladihii ugu dambeeyay ee siyaasadda.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, kadib markii madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ay heshiis rasmi ah ka gaareen.

“Waxaan iska xog wareysanay marxaladihii ugu dambeeyey ee xaaladda dalka iyo doorashooyinka la filayo dhawaan inay bilaabmaan” ayuu yiri Sheekh Shariif oo qoraal kooban bartiisa Facebook soo dhigay.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaarihii hore ee xukuumadda Xasan Kheyre iyo xubno kale oo ka tirsan Midowga Musharraxiinta ayaa ka qeyb galay kulankaas.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...