Somaliland (Halqaran.com) – Natiijada doorashada goleyaasha deegaanka iyo wakiillada maamulka Somaliland ayaa si weyn loo sugayaa, taas oo ay weli socoto tirinta codadka, iyadoo ay dib u dhacday natiijo horudhac ah oo la filayay in guddiga doorashadu u xalay shaaciyo.
Dadweynaha Somaliland ayaa si aad u sugaya natiijada doorashadan, iyadoo ay dhici karto in gobollada qaar sida gobolka Maroodi-jeex ay tirinta codadku qaadato maalmo kale oo dheeraad ah, maadaama uu yahay gobolka ay ka codeeyeen tirada ugu badan ee codbixiyeyaasha.
Waxaa jira natiijooyin ay dadku si dhow u xiiseynayaan, gaar ahaan baraha bulshada, kuwaas oo ay ka midyihiin Barkhad Jaamac Batuun oo u tartamay golaha wakiillada ee xisbiga Waddani iyo Ridwan Cusman oo u tartamay Duqa magaalada Boorama.
Kormeereyaasha caalamiga ah ayaa sheegay in farsamo ahaan diyaar garowgii doorashadan uu ahaa mid aad u sarreeyay.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





