Muqdisho (Halqaran.com) – Ciidamada milatariga Soomaaliya gaar ahaan kuwa ilaalada madaxtooyada ee koofiya casta ayaa howlgal saakay aroortii ay ka sameeyeen xaafadaha ay ku dhow xarunta madaxtooyada Soomaaliya waxa ay ku soo qabteen dhalinyaro badan.
Howlgalkan oo bilowday waqti aroortii hore saakay ah ayaa ciidamada waxa ay ku beegsanayeen dhalinyarada ku nool xaafadahaas agagaarka madaxtooyada iyaga oo aan kala sooceynin shacab iyo shaqaale dowladda u shaqeeya, xaafadaha ay ciidamada baaritaanadaan ay ka sameeyeen ayaa kala ah Jamal Abdinasir, agagaarka isgoosyada Ceelgaabta , Sayidka, Daljirka Dahsoon iyo xaafado kale oo ka tirsan degmada Warta Nabadda.
Intii ciidamadan wadeen howl galkaan ayaa dhalinyaro badan la isugu keenay goobahaas iyaga oo reebanayey dadka ay aqoonsan waayaan.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





