Tuesday, February 10, 2026
25.7 C
Mogadishu

Macallin iskuul oo abaal marin ahaan u helay $1 milyan oo doolar!

Kenya (Halqaran.com) – Peter Tabichi wuxuu isu taagay horumarka waana tusaale caalami ah dhanka waxbarashada iyadoo wax-qabadkiisa iyo deeqsinimadiisa ay u soo jiiday in uu hanto qalbiyada adduun weynaha isaga oo ka helay martiqaad iyo casuumaad Aqalka Cad ee Mareykanka.

Peter wuxuu ka soo jeedaa dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nakuru iyadoo dukaamada iyo gaadiidka dhex mara waddooyinka magaaladiisa ay ku xar dhan yihiin boorar ay ku taageerayaan wax-qabadka iyo shaqadiisa, waxaana loo doortay macallinka ugu wanaagsan adduunka.

Macallinkan oo dhiga maadooyinka Xisaabta iyo Sayniska inta ugu badan ardaydiisa waxay ka soo jeedaan qoysas sabool ah iyagoo qaarkood la sheegay in ay soo lugeeyaan fogaan aad u dheer si ay u soo gaaraan iskuulka, tani waxay ku qaaday Peter in uu sameeyo wax ka weyn kaliya in ay damaanad u helaan helidda buugaagta muqararada ay wax ku baranayaan isagoona u sameeyay xirfad iyo hal-abuur ay ku maareeyaan noloshooda.

Macallinkan ayaa abaal marin ahaan u helay lacag gaareysa $1 milyan oo doolar, lacagtaas oo la siiyo macallinka ku guuleysta macallinka ugu wanaagsan adduunka.

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...