Sunday, February 15, 2026
25.9 C
Mogadishu

Maxaa ka soo baxay kulankii ay Gaalkacyo ku yeesheen Madaxweynaha Galmudug iyo M/weynihii hore ee Puntland?

Gaalkacyo (Halqaran.com) – Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa Madaxtooyada magaalada Gaalkacyo ku soo dhaweeyay Madaxweynihii hore ee Puntland, Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

Qoorqoor iyo Cabdiweli Gaas ayaa iska xog wareystay xaaladaha guud ee siyaasadda dalka iyo tan Gobolka Mudug oo shirar kala duwan ay ka socdaan.

Madaxweynaha Galmudug ayaa in ka badan toddobaad waxaa uu ku sugan yahay magaalada Gaalkacyo, waxaana la fillayaa in Khamiista maanta ah uu booqdo saldhigyo Ciidan.

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Gaas, ayaa isagana muddooyinkii dambe wuxuu ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Maamullada Puntland iyo Galmudug oo xad wadaag ah, waxaa iminka ka dhex bilaabatay wada shaqeyn buuxda oo dhexdooda ah, kadib markii Wasiirka Amniga Galmudug, Axmed Macalin Fiqi uu sidaas horey u sheegay.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...