Friday, April 17, 2026
28.1 C
Mogadishu

Muqdisho: Carruur dhimasho iyo dhaawac ka soo gaaray waxlo qarxa oo ay ku ciyaarayeen

Muqdisho (Halqaran.com) – Waxaa faah-faahin dheeraad ah ka soo baxaya qarax ka dhacay degmada Dayniile ee gobolka Banaadir, gaar ahaan Xaafadda Raadeerdka oo ay ku waxyeeloobeen carruur wada dhashay, kadib markii ay ku ciyaareen aalad qaraxda.

Qaraxa ayaa yimid, kadib carruurta ay ku ciyaareen aalad qaraxda oo ay ka heleen meel aan sidaas uga fogeyn gurigooda caruurta ayaana garaacay taas oo qaraxa dhalisay.

Hal Wiil oo sagaal sano jir ah ayaa ku geeriyooday qaraxaasi, waxaana dhaawac ka soo gaaray labo gabdhood oo la dhashay wiilkaasi, waxaana magaciisa lagu sheegay Cabdullaahi Macalin Aadan Maxamuud.

Wararka ayaa intaasi ku daraya, in Caruurta qaraxaasi Khasaaraha uu kasoo gaaray uu dhalay Macalin dugsi Qur’aan oo lagu magacaabo Aadan Maxamuud, kaasi oo dugsigiisa uu ku yaallo degmada Deyniile.

Qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Magaalada Muqdisho ayaa waxaa dhex yaalla haraadiga waxyaabaha Qarxa oo inta badan halis ku ah carruurta, maadaama maalmaha fasaxa carruurta ay ku ciyaaraan biraha waddooyinka ay ku arkaan.

Xafiiska Wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...