Monday, February 9, 2026
28.9 C
Mogadishu

Maxaa ka jira in Sheekh Shariif ka guuray halkii uu ka deganaa Muqdisho?

Muqdisho (Halqaran.com) – Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed uu si rasmi ah ugu guuray waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaas oo uu dhowr cisho ka hor u guuray Madaxweynihii hore Xasan Sheekh.

Arrintan ayaa qeyb ka ah qorshe ay Musharaxiinta Madaxweynaha ku dagayaan xaafadaha Muqdisho, iyagoo ka guuraya goobihii ay degenaayeen ee nawaaxiga garoonka diyaaradaha Aadan cadde ee Muqdisho.

Dhawaan ayay aheyd markii madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud uu isna u guuray xaafada Mirinaayo ee degmada Cabdi casiis ee gobolka Banaadir.

Qorshahan ayaa ku soo aadaya xili madaxdii hore ay ka soo horjeedaan muddo kordhinta uu golaha shacabka u sameeyay madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka socday dhaq dhaqaaqyo ay wadeen xubnaha midowga musharixiinta, kaasi oo looga soo horjeedo madaxweyne Farmaajo.

Taliyihii hore ee booliska gobolka Banaadir Saadaq John ayaa isna fariisin ka dhigtay xaafada Shiirkoole ee magaalada Muqdisho, kadib markii uu diiday muddo kordhinta loo sameeyay hay’adaha dowladda.

Jahwareer iyo hubanti la’aan ayaa weli ka taagan doorashooyinka Soomaaliya

Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

spot_img

More like this

Discipline: Anshax&Nidaamku waa Buundada U Dhaxaysa Himilada iyo Guusha.

  Fahamka guud ee "Discipline"  Nidaamka iyo Edebta,Qof ka iyo Bulshada. Qormadaani waxay si cilmi ah u falanqeynaysaa macnaha...

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya?

Maxaa Hortaagan Midnimada iyo Dowladnimada Soomaaliya? Tan iyo markii  Dowladdii Dhaxe ee ugu  awooda badneyd  dowladaha Soomaray dhulka...

Maxkamadda Sare oo dil toogasho ah ku riday Sayid...

MUQDISHO(Halqaran.com)-Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqday go’aankeeda ku saabsan dacwaddii Eedaysane Sayid-Cali Macallin...