Afgooye (Halqaran.com) – Koox hubeysan ayaa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose ku dishay nabadoon caan ka ahaa magaalada.
Marxuumka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Maxamed Mayow Karbaash, waxuuna dilkiisu si gaar ah uga dhacay xaafadda Dhagaxtuur ee magaalada Afgooye.
Raggii dilay marxuumka ayaa isaga baxsaday goobta, waxaana la sheegay in xaafada uu dilkaasi ka dhacay ay ciidamada ammaanku ka sameeyeen baaritaano dad lagu soo qabtay.
Wararka aan heleyno waxay intaas ku darayaan in marxuumka la dilay uu la shaqeyn jiray maamulka degmada Afgooye, isla markaana uu ahaa isku xiraha bulshada iyo maamulka degmada Afgooye.
Xafiiska wararka Halqaran.com
Halqarannews@gmail.com





